Tuesday, March 3, 2026

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii u dambeeyay lagu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriira safarka wafdiga rasmiga ah ee ka qeybgalay Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaradda ayaa lagu sheegay, in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, lana doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka, laguna dhaawaco sumcadda Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wafdiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya ay si firfircoon uga qayb qaateen shirka ILC ee Geneva. Waxay sheegtay inta badan ergada inay soo laabteen kaddib markii ay soo dhameysteen howlahooda todobaadka koowaad, halka qaar ka mid ah madaxda sare ay u harsan yihiin gudashada waajibaadkooda sida shaqada guddiga iyo u codeynta go’aamada muhiimka ah. Ka-qaybgalka weftiga.

“Sheegashadan been abuurka ah ayaa u muuqata in ay ka soo jeedaan dad qurbo-joog ah oo aan waftiga lagu soo darin sababo la xidhiidha in aanay ka mid ahayn urur shaqaale oo la aqoonsan yahay iyo in aanay degenayn dalka Soomaaliya. Ka dib markii laga saaray, waxay bilaabeen olole been abuur ah oo internetka ah oo lagu beegsanayo wafdiga,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles