Wednesday, August 19, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo ganacsade ku dilay Gobolka Mudug

Allah ha u naxariistee waxaa degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug lagu dilay Ganacsade C/fitaax ceynaanshe Xaashi oo kamid ahaa dad halkaas ka waday qodida waro lagu keydiyo biyaha.

Qofka dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal, ku sugan Afbarwaaqo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Marxuumka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe wajahaya dilal loo geysano dadka dhacabka, dagaal beeleedyo soo noqnoqday oo u dhexeeya beelaha wada dega gobolka, kuwaasi oo dhaawacaya dadaalladii nabadda ee ay wadeen Dowladda Federaalka iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Inta badan colaadaha ka dhacaya Mudug waxay salka ku hayaan muranka dhulka daaqsimeed, ceelal biyo, iyo aargoosi qabiil oo ka dhashay dhacdooyin hore oo aan si rasmi ah loo xallin. Hubka gacanta shacabka ku jira ayaa door weyn ka qaadanaya hurinta colaadaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles