Thursday, June 19, 2025

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya dalka Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Changsha ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qaybgali doono laba shir oo muhiim ah oo kala ah, shirka heer wasiir ee Isku-duwayaasha FOCAC, iyo Carwada 4-aad ee ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Shirka FOCAC ayaa diiradda saaraya dhaqangelinta ballanqaadyadii laga gaaray shirkii Beijing ee 2024, halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Shiinaha ay ku heshiiyeen in xiriirka labada dal loo qaado heer iskaashi istiraatiiji ah.

Carwada Changsha ayaa sanadkan markii ugu horreysay martigelineysa shirkado Soomaaliyeed oo si rasmi ah u soo bandhigaya wax-soo-saarka dalka — laga bilaabo malmalka iyo beeyada ilaa kalluunka, iyo dalaga beeraha — iyagoo raadinaaya suuqyo cusub iyo maalgashi caalami ah.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Hodan Cusmaan ayaa wafdiga soo dhaweysay, waxaana ay tilmaantay booqashada wsiirku inay astaan u tahay muhiimadda ay Soomaaliya siineyso iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Shiinaha, waxayna xustay in safaaraddu si dhow ula shaqeyn doonto wafdiga si loo xaqiijiyo in ka qeybgalka Soomaaliya ee shirarka iyo carwada uu miro-dhal dhab ah yeesho.

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles