Thursday, July 31, 2025

Wasaaradda Warfaafinta oo warsaxaafadeed kasoo saartay colaada ka aloosan gobolada dalka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka.

Wasaaradda waxa ay si dhow ula socotaa Aaladaha Baraha bulshada iyo Warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.

Faafinta Filimada, Sawirada, Codadka, Qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha waxaa lagu mamnuucay baahintooda shareecada Islaamka, shuruucda dalka, Xeerarka caalamiga ah iyo siyaasadaha shirkadaha baraha bulshada, wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha Baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladda waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye.

Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran yahay ka hortaga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeena walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ku wargalinaynaa in ay wasaaradda la soo wadaagaan baraha dagaalada lagu hurinayo, waxaana ay noogu soo diri karaan Info@moi.gov.so

Wasaaraddu waxa ay u mahadcelinaysaa Warbaahinta iyo isticmaalayasha Baraha Bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.

Ugu dambeyn, hay’adaha Qaranka ee Sharci Fulinta ah oo ay ugu horeeyaan Booliiska iyo Xeer ilaalinta waxay heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles