Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid la-taliyeyaasha ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda mucaaradka inay Xisbi isugu tagaan kluna tartamaan dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.
Qoraal Farriin ah oo uu bartiisa (X) soo dhigay ayuu Wasiir Cali Balcad ku yiri: “Xilligan oo ay Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyin heer deegaan iyo heer Federaal ah, waxaa aad muhiim u noqonaysa kaalinta Xisbiyada siyaasadda”.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxa aanu rajaynaynaa inay Siyaasiyiinta Mucaaradku awooddooda isugu geeyaan sidii ay u samayn lahaayeen xisbi habaysan oo ku dhisan fikrado, kana qayb qaata dhismaha hay’ado dowladeed oo adag.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar oo dhawaan sheegay in Madaxda dowladda ay la kulmayaan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka ayaa ku baaqay qaab dimoqraadi ah ay Mucaaradku wax ku raadiyaan.
Wuxuu sheegay in Dimuqraadiyada Soomaaliya ay ku hormari karto marka dhammaan fikradaha kala duwan yeeshaan madal.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa farriintan u diray siyaasiyiinta Mucaaradka:
“Mucaaradku waxaan u soo jeedinaynaa in ay isu yimaadaan oo ay sameystaan xisbi siyaasadeed oo si xilkasnimo leh u tartami kara, doorashooyin geli kara, isla markaana qaabey kara mustaqbalka Qaranka, iyagoo u maraya siyaasad, balse aan kaliya ahayn cabasho iyo mudaaharaad”. Ayuu yiri
Farriinta Wasiir ka ayaa timid, iyadoo maalintii labaad uu Muqdisho uga socdo siyaasiyiina Mucaaradka ee ka horjeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo la filayo inay kasoo baxaan go’aano ku saabsan Khilaafka ak taagan doorashooyinka, Dastuurka iyo xiriirka maamul Goboleedyada.