Friday, November 7, 2025

Wasiir Fiqi iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka shiray la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood ee dhanka amniga iyo hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada, gaar ahaan Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish. Labada dhinac ayaa isla meel isla dhigay muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah ee ku wajahan sugidda nabadda, xasilloonida iyo adkeynta awoodda ciiddanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah u bogaadiyay taageerada muuqata ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo la-tashiyada la xiriira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashiga Mareykanka uu door weyn ka ciyaaray xoojinta amniga gudaha iyo kan gobolka.

Danjire Riley ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda horumarka ciiddamada qalabka sida iyo guul ka gaarista dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles