Monday, June 8, 2026

Wasiir Cali Balcad “Mucaaradku waxaan u soo jeedinaynaa inay sameystaan xisbi tartami kara”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar  (Cali Balcad) oo ka mid la-taliyeyaasha ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda mucaaradka inay Xisbi isugu tagaan kluna tartamaan dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Qoraal Farriin ah oo uu bartiisa (X) soo dhigay ayuu Wasiir Cali Balcad ku yiri: “Xilligan oo ay Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyin heer deegaan iyo heer Federaal ah, waxaa aad muhiim u noqonaysa kaalinta Xisbiyada siyaasadda”.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxa aanu rajaynaynaa inay Siyaasiyiinta Mucaaradku awooddooda isugu geeyaan sidii ay u samayn lahaayeen xisbi habaysan oo ku dhisan fikrado, kana qayb qaata dhismaha hay’ado dowladeed oo adag.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar oo dhawaan sheegay in Madaxda dowladda ay la kulmayaan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka ayaa ku baaqay qaab dimoqraadi ah ay Mucaaradku wax ku raadiyaan.

Wuxuu sheegay in Dimuqraadiyada Soomaaliya ay ku hormari karto marka dhammaan fikradaha kala duwan yeeshaan madal.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa farriintan u diray siyaasiyiinta Mucaaradka:

“Mucaaradku waxaan u soo jeedinaynaa in ay isu yimaadaan oo ay sameystaan xisbi siyaasadeed oo si xilkasnimo leh u tartami kara, doorashooyin geli kara, isla markaana qaabey kara mustaqbalka Qaranka, iyagoo u maraya siyaasad, balse aan  kaliya ahayn cabasho iyo mudaaharaad”. Ayuu yiri

Farriinta Wasiir ka ayaa timid, iyadoo maalintii labaad uu Muqdisho uga socdo siyaasiyiina Mucaaradka ee ka horjeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo la filayo inay kasoo baxaan go’aano ku saabsan Khilaafka ak taagan doorashooyinka, Dastuurka iyo xiriirka maamul Goboleedyada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles