Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga qeyb galay kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen waxqabadka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo xaaladda dadka reer Falastiin.
Kulankaasi waxaa isugu yimid Wasiirada Arimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka OIC, kaasi oo wadahadal dheer iyo doodo waxgal ah ,kadib laga soo saaray qodobbo muhiim ah oo taageeraya qadiyadda Falastiin,islamarkaana Israel ugu baaqaya in ay joojiso dagaalada Gaza iyo barakicinta dadka reer Falastiin.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Cali Maxamed Cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in uu halkaasi ku gudbiyay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan taageerada dadka Falastiin iyo in la helo dowlad ay leeyihiin Falastiin.
Wasiiru Dowlaha ayaa mudadii uu socday kulankaasi waxa uu.la kulmay R/Wasaare ku xigeenka Pakistan,ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda,Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankaasi waxaa wasiiru dowlaha kala qeybgalay xubnaha joogtada ee Soomaaliya ku matalaya Ururka Iskaashiga Islaamka.


