Wednesday, March 4, 2026

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ay si khaldan u isticmaashay hawada Soomaaliya, isla markaana ay soo marsiisay hoggaamiyaha Koonfurta Yemen, Caydaruus Al-Subeydi, iyada oo aan wax wargelin ah la siin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.

Cali Balcad oo wareysi siiyay AlJazeera ayaa sheegay in tallaabadan aysan ku jirin heshiisyadii hore ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo UAE, isla markaana ay dowladda u aragtay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka. Wuxuu intaas ku daray in arrintan ay door ku lahayd dedejinta go’aannadii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka.

Sida uu Wasiirku tilmaamay, diyaaradda waday Caydaruus Al-Subeydi ayaa ku degatay Terminalka 23 ee garoonka Muqdisho, kaas oo ay wada isticmaalaan diyaaradaha Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Turkiga iyo Imaaraadka. Waxa uu xusay in horay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyay in aan la baari karin diyaaradaha isticmaala terminalkaas, taas oo sare u qaadday walaaca dhanka amniga iyo habraacyada dowladda.

Dhanka kale, Wasiir Cali Balcad ayaa tilmaamay in maalmo ka hor ay jireen dadaallo ay sameeyeen taageerayaal dowladda ka tirsan oo lagu doonayay in lagu yareeyo ama lagu beeniyo arrintan, balse uu sheegay in dadaalladaasi aysan miro dhalin, kaddib markii xaqiiqooyin dheeraad ah soo baxeen.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u qaaday tallaabooyin ay ku muujinayso ilaalinta madax-bannaanideeda iyo xakamaynta hawadeeda.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles