Tuesday, March 3, 2026

Wasiir Fiqi iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka shiray la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood ee dhanka amniga iyo hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada, gaar ahaan Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish. Labada dhinac ayaa isla meel isla dhigay muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah ee ku wajahan sugidda nabadda, xasilloonida iyo adkeynta awoodda ciiddanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah u bogaadiyay taageerada muuqata ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo la-tashiyada la xiriira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashiga Mareykanka uu door weyn ka ciyaaray xoojinta amniga gudaha iyo kan gobolka.

Danjire Riley ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda horumarka ciiddamada qalabka sida iyo guul ka gaarista dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles