Friday, October 10, 2025

Wasiir Fiqi iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka shiray la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood ee dhanka amniga iyo hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada, gaar ahaan Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish. Labada dhinac ayaa isla meel isla dhigay muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah ee ku wajahan sugidda nabadda, xasilloonida iyo adkeynta awoodda ciiddanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah u bogaadiyay taageerada muuqata ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo la-tashiyada la xiriira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashiga Mareykanka uu door weyn ka ciyaaray xoojinta amniga gudaha iyo kan gobolka.

Danjire Riley ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda horumarka ciiddamada qalabka sida iyo guul ka gaarista dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 10/10/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

UK ayaan qorsheyneyn in ay ciidamo u dirto Gaza

Xoghayaha arrimaha dibadda UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in...

Hirshabeelle oo soo saaray awaamiir ku socota diyaaradaha ka shaqeeya deegaannada maamulka

Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray awaamiir ku socota diyaaradaha...

Golaha wasiirada Jubbaland oo DFS ugu digay faragelinta Gedo

Madaxweynaha Jubbaland,  Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulanka...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Khayelitsha oo ka mid...

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb galay shir ka dhacay Kenya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Aadan Geesood...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles