Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Takuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Danab ee Ururka 163-aad, Guutada 16-aad, oo fadhigiisu yahay Galkacyo.
Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab, iyagoo ka dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan howlaha iyo diyaar-garowga ciidamada.
Kormeerku wuxuu qeyb ka ahaa xoojinta diyaar-garowga, isku-duubnida iyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xili maamulka Puntland iyo Dowladda Soomaaliya xiisad u dhexeyso ay ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.


