Wasiir Fiqi oo guddoomiyey kulan ku saabsan miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga 2026

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga doodayay miisaaniyadda wasaaradda gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026. Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka socday Taliska CXD.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen qorshayaasha dhow iyo kuwa dhexe ee Wasaaradda, iyadoo la isku waafaqay in mudnaanta la siiyo hufnaanta iyo qorsheyn cad oo lagu fulinayo miisaaniyadda 2026.

Wasiirka gaashaandhiggu waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Waxa uu xusay in natiijooyinka kulankan ay hagi doonaan hirgelinta barnaamijyada iyo dib-u-habaynta sanadka soo socda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles