Tuesday, March 3, 2026

Wasiir Fiqi oo Hanjabaad culus u diray Mucaaradka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay mucaaradka, isaga oo ku tilmaamay “qaaqlayaal” aan awood u lahayn inay qori ku qaataan magaalada Muqdisho.

“Mucaaradku waa qaaqlayaal, qof qori Muqdisho ku qaadan karana ma jiro. Anigoo Wasiirka Gaashaandhigga ah ayaa dhahaya; waxaa ka dhici doonta Yaahuud maa tihiin xaqiidii, bootadaas waa dhammaatay.”

Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliilay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay inuusan garan sababta loogu xushay xilkaas, isla markaana ku tilmaamay nin “iska maahsan.”

Sidoo kale wuxuu si toos ah u dhaliilay Xasan Cali Kheyre, isagoo xusay in hadalladiisa ku saabsan dastuurka aysan wax micne ah lahayn, isagoo ku eedeeyay inuu ka tirsanaa siyaasiyiinta weerarka ku ah dowladda.

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in kulammada ay mucaaradku ku yeeshaan madashooda aysan wax xikmad ah ku jirin, isagoo ku tilmaamay “wax aan faa’iido lahayn.”

Hadallada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo arkaa digniin culus oo ka dhan ah mucaaradka, iyadoo muujineysa xiisadda sii kordheysa ee siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles