Sunday, February 15, 2026

Wasiirka Amniga oo booqday xarunta Taliska Ciidamada xuduudaha Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta taliska ciidamada xuduudaha ee Dowladda Ciraaq, isagoo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska , agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga  iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta taliska ciidamada xuduudaha , waxaana qaabilay taliyaha ciidanka xuduudaha, Sareeyo Guuto Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada xuduudaha dalalka deriska ah, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah iyo farsamooyinka tiknoolojiyadda horumarsan.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xuduudaha.

Wasiirka Fartaag ayaa ammaanay shaqada xirfadeed ee ay qabtaan taliska ciidamada xuduudaha Ciraaq, gaar ahaan dadaallada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci-darrada ah iyo hawlaha ka dhanka ah tahriibka, isagoo ku tilmaamay dadaalladaas kuwo mudan in laga tusaale qaato.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaalanka argagixisada ee dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta xuduudaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles