Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay howlgalka ka dhanka ah Daacish iyo AS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay bogaadisay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ka wada gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadinaysaa doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas lagu soo afjarayo kooxda argagaxisada ah.

Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

KooxHa Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha al shabaab iyo daacish ah.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles