Thursday, September 18, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo Kormeeray Xarunta Cusub  NIRA ee Jowhar (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarunta cusub ee Hay’adda NIRA ee Jowhar.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga furitaanka rasmiga ah ee laanta Hirshabeelle ee NIRA, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xarigga looga jaro. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo diyaar-garowga xarunta iyo habsami u socodka howlaha la xiriira bixinta adeegyada muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa xusay in dhawaan la furi doono xarumo cusub oo NIRA ay ku yeelanayso magaalooyinka Baladweyne, Balcad, iyo Buulo-Burde, si loo dardargeliyo adeegyada diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiyada Qaranka.

WARARKII KALE

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay...

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles