Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago dalka Imaaraadka Carabta, sida lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Türkiye.
Socdaalkan ayaa imanaya xilli uu meel xun marayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib go’aanno ay Muqdisho ku joojisay heshiisyo iyo wada-shaqeyn ay hore ula lahayd Abu Dhabi. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajendaha booqashada Wasiir Hakan Fidan, haddana wararka ayaa tilmaamaya in qaddiyadda Soomaaliya ay ka mid noqon doonto qodobada miiska saaran. Arrintan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii dhowr habeen ka hor ay wada-hadal taleefan yeesheen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.
Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, isagoo taageero ballaaran ka siiya dhinacyada amniga, horumarka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Booqashada Hakan Fidan ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa mid xambaarsan dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira dejinta xiisadda, gaar ahaan tan saameynta ku leh Soomaaliya iyo gobolka guud ahaan.
Dhinaca kale, socdaalkan wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay sidoo kale jiraan khilaafaad iyo loollan siyaasadeed oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, taas oo sii adkaynaysa jawiga diblomaasiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.


