Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay shir khuseeyay arrimaha khayraadka ee dabiiciga ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamad ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiye,kaas oo looga hadlaayey khayraadka dabiiciga ah  (Natural Resources)

Shirkaasi waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudin Cali Maxamed ,iyadoo kulamkaasi diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan  Macdanta iyo sidii loo heli lahaa tamar nadiif ah iyo macdan waarta.

Shirkaasi oo inta badan lagu soo bandhigay dood ku saabsan doorka isbeddelka tamarta macdanta waxaa ka qeybgalay Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ,iyadoo uu dooda qaybinaayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS, Mudane Daahir Shire, ayaa si gooni gooni ah ula ula kulmay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi,isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si cad u muujiyay diyaar garowga Soomaaliya ee ah in dalka uu noqdo mid ku socda wadada horumarka oo laga dheehan karo daahfurnaan, hufnaan, iyo danta shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles