Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay shir khuseeyay arrimaha khayraadka ee dabiiciga ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamad ayaa ka qeyb galay shir ka dhacay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiye,kaas oo looga hadlaayey khayraadka dabiiciga ah  (Natural Resources)

Shirkaasi waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamad Xaashi Carabeey iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fatxudin Cali Maxamed ,iyadoo kulamkaasi diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan  Macdanta iyo sidii loo heli lahaa tamar nadiif ah iyo macdan waarta.

Shirkaasi oo inta badan lagu soo bandhigay dood ku saabsan doorka isbeddelka tamarta macdanta waxaa ka qeybgalay Wasiirada Macdanta Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ,iyadoo uu dooda qaybinaayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS, Mudane Daahir Shire, ayaa si gooni gooni ah ula ula kulmay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi,isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si cad u muujiyay diyaar garowga Soomaaliya ee ah in dalka uu noqdo mid ku socda wadada horumarka oo laga dheehan karo daahfurnaan, hufnaan, iyo danta shacabka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles