Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, taageerada hooyada iyo dhallaanka, kor u qaadista tababarka umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.
Sidoo kale, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee WHO ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqayn dhow oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladaha adag iyo goobaha nugul.


