Xildhibaanada Muxaafadka ah oo maanta ka dooday wax ka badelka Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ugu horreyn Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa sii amba qaaday ka doodista cutubka Afaraad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan wax ka baddal kooban oo ku saabsan qodobada 49-aad, 50,aad iyo 54-aad, waxaana Xildhibaanada labada Aqal oo aad uga dooday qodobadan ay soo gaba gabeeyeen ka doodista cutubka 4-aad ee dastuurka Kmg ah ee dalka.

Dhinaca kale, xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay ka doodista qodobada cutubka 5-aad ee dastuurka Kmg ah, waxaana guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda cutubka shanaad ee dastuurka ay sii socon doonto, islamarkaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles