Cirro oo ka hadlay waxa ay ku badesheen aqoonsiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in ay tahay tani mid aan laga wada hadlin, isaga oo sheegay in Somaliland taageersantahay qorshaha nabadda ee trump ee Qasa.

“lama soo hadal qaadin, lama soo jeedin, lagamana hadlin, waxna kama jiro”, ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qorshaha nabadda Qasa ee Trump horkacayo.

“Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee Qaza ee dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

“Waxaan xaqiijinaynaa aaminaaddeenna ah in ay wada noolaan karaan quruumuhu iyo in nabadda ay tahay waddada keliya ee waarta ee xasilloonida iyo wada noolaanshaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Cirro

Somaliland horey ayay u beenisay in heshiska salka ku hayo arrin deegaameyn la xiriirta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles