Cirro oo ka hadlay waxa ay ku badesheen aqoonsiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in ay tahay tani mid aan laga wada hadlin, isaga oo sheegay in Somaliland taageersantahay qorshaha nabadda ee trump ee Qasa.

“lama soo hadal qaadin, lama soo jeedin, lagamana hadlin, waxna kama jiro”, ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qorshaha nabadda Qasa ee Trump horkacayo.

“Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee Qaza ee dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

“Waxaan xaqiijinaynaa aaminaaddeenna ah in ay wada noolaan karaan quruumuhu iyo in nabadda ay tahay waddada keliya ee waarta ee xasilloonida iyo wada noolaanshaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Cirro

Somaliland horey ayay u beenisay in heshiska salka ku hayo arrin deegaameyn la xiriirta.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles