Xasan Sheekh oo sheegay in wafdi ka socda Mareykanka ay imaan doonaan Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in dhawaan magaalada Muqdisho ay iman doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, isagoo xusay in booqashada wafdigaasi ay tahay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

“Waxaan dhowaan filaynaa wafdi kale oo heer sare ah oo ka imanaya Maraykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ujeedada rasmiga ah ee safarka wafdigaasi.

Imaanshaha wafdigan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo duruufo siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, gaar ahaan doodda ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, waxayna door weyn ku leedahay taageerada amniga, tababarka ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada hannaanka dowlad-dhiska.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in wafdiga Maraykanka ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka, iyaga oo ka wadahadli doona arrimo ay kamid yihiin amniga, xasilloonida siyaasadeed, iskaashiga milatari iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee wafdigaasi ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles