Xasan Sheekh oo sheegay in wafdi ka socda Mareykanka ay imaan doonaan Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in dhawaan magaalada Muqdisho ay iman doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, isagoo xusay in booqashada wafdigaasi ay tahay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

“Waxaan dhowaan filaynaa wafdi kale oo heer sare ah oo ka imanaya Maraykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ujeedada rasmiga ah ee safarka wafdigaasi.

Imaanshaha wafdigan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo duruufo siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, gaar ahaan doodda ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Dowladda Maraykanka ayaa kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, waxayna door weyn ku leedahay taageerada amniga, tababarka ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada hannaanka dowlad-dhiska.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in wafdiga Maraykanka ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka, iyaga oo ka wadahadli doona arrimo ay kamid yihiin amniga, xasilloonida siyaasadeed, iskaashiga milatari iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee wafdigaasi ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles