Israa’iil oo war ka soo saartay wadahadalada Iran iyo Mareykanka

Wasiirka tamarta ee Israa’iil, ayaa sheegay in heshiis macquul ah oo dhex mara Washington iyo Tehran aanu wax micna ah soo kordhineyn.

“Ma jiro wax macno leh oo laga samayn karo heshiis lala galo maamulka hadda jira. Isbeddelka xukunka ee Texraan wuxuu dan u yahay dhammaan waddamada Islaamka ee ku xeeran Iran,” ayuu Eli Cohen Axadii ku yiri wakaaladda wararka ee Israa’iil, Ynet.

Mr. Cohen wuxuu ku nuuxnuuxsaday: “Xataa haddii heshiis la gaaro, haddii ay soo baxdo khatar ka dhan ah Israa’iil oo aanu ku qasbannahay inaan tallaabo qaadno, waanu qaadi doonnaa tallaabo.”

Wakiillo ka socda Iran iyo Maraykanka ayaa wadahadallo aan toos ahayn ku yeeshay Muscat Jimcihii, waxaana marti galiyay Cumaan.

Waqtiga iyo goobta shirka xiga weli lama shaacin.

Golaha wasiirrada amniga ee Israa’iil, oo Eli Cohen xubin ka yahay, ayaa la filayaa inay maanta kulmaan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacada u safri doona Washington, si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kuwaas oo ku saabsan wadaxaajoodyada Iran

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles