RW Xamsa oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka Mudane Sebastian Groth, waxa ayna si qotodheer uga wada hadleen danaha ka dhaxeeya labada dal iyo qodobo kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee ka jirta dalka, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, dhaqaajinta howlaha doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Dhankiisa, Mudane Niels Annen, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ee sii xoogaysanaya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles