Tuesday, January 13, 2026

Wasiirka Dekadaha XFS oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Badaha Dunida (IMO)

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha ay ku mideysan yihiin Hay’adaha Badaha Dunida (IMO) Mudane Arsenio Dominguez.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa qeyb ka ahaa shirka 34-aad ee Golahaasi uga socda magaalada London,waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi.

Waxaa looga hadlay kulankaan sidii iskaashigan cusub uu gacan uga geysan lahaa amniga badda Soomaaliyeed iyo dadaallada dowladdu ay ku doonayso in lagu casriyeeyo hay’adaha badda, lana xoojiyo sharciyada iyo ilaalinta xeebaha dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xoghayaha Golaha Hey’adda Badaha Dunida ku wareejiyay waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee golahaasi iyo qaadashada heshiiska caalamiga ah ee IMSO. kaas oo xoojinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles