Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse wali meelaha qaar laga arkayo in taasi ka jirto, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan Khawaarijta, isagoo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas halista ku ah naftooda.
Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa ineysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Horey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan meelaha ay maamusho Al-Shabaab, si aysan dhibaato uga soo gaarin howlgallo qorsheysan oo lagu qaadayo saldhigyada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Warka Wasiirka ayaa imaanaya xili guiluf dagaal o oculus ay ka socdaan deegaano ka tirsan Gobolka shabeelada Dhexe iyo duqeymo lala beegsanayo meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab, maalin ka hora yay aheyd markii duqeyn ka dhacday deegaanka Ceelbacaad lagu khaarijiyay saraakiil iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeyay dilka sarkaal lagu magacaabi jiray Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo la socday.
Todobaadyadii ugu dambeeyay duqeymo culus ayaa lala beegsanayay xubnaha Al-shabaab ee ku sugan deegaanada Hirshabelle, oo maalmihii ugu dambeeyay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona dowladda Soomaaliya ay qaadayso talaabooyinka culus oo loogu hortagayo kooxdaasi.