Wednesday, August 12, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalinaya khilaafka u dhexeeya Hoggaamiyeyaasha Koofurta Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa dhaxdhaxaadinaaya Hoggaamiyeyaasha Koofurta  Sudan oo xiligan khilaaf culus uu soo kala dhaxgalay.

Xaaladda Koonfurta Sudan ayaa cakirnayd maalmihii lasoo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa in arintu ay faraha ka baxdo, iyadoo Sudan-ta waynna ay wali dagaallo ka socdaan.

Madaxweyne Xasan ayaa qadka Teleefanka ku xiriiray hoggaamiyaasha Koonfurta Sudan wuxuuna ka codsaday inay xalka dajiyaan, isagoona ugu baaqay in wada hadal lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Koofurta Suudaan iyo ku xigeenkiisa.

“Waxaa naga go’an gobol ahaan in aan taageerno dadaallada nabadeynta Koofurta Suudaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh oo qadka Taleefanka kula hadlay Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Suudaan, Kiir’s Rival.

Sidoo kale qoraalka madaxweynaha ayaa waxa intaasi lagu daray “Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay shacabka Koonfurta Suudaan, waxayna wali ka go’an tahay inay taageerto dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xal nabadeed oo waara.”

Waxaa jiray heshiisyo kale oo ay horraan wada gaareen mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Suudaan oo aanan la dhaqan gelinin.

Jubba ayaa  waxaa weli ka aloosan xiisad u dhexaysa ciidamada dowladda iyo garab kale oo ka soo hor horjeeda, madaxweynaha dalkaas Silver Kir ayaa dhowr jeer ka badbaaday afgembi lala damacsanaa dowladiisa.

Muwaadiniinta Suudaanta Koonfureed ayaa waxa lala bartilmaameedsaday kufsi,dil iyo goobaha qaar oo ay macaluul ku habsatay, Dhaqaalaha dalka Suudaanta Koonfureed ayaa burburay.

Dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo dhibaatada dalka Koonfurta Sudan ayaa guuldaraystay, inkastoo ay hadda socdaan Dadaaladii ugu dambeeyay oo lagu doonayo in lagu baadi goobo heshiis nabadeed, kaasi oo ay wadaan wadamada ku mideysan Urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan iyo ciidankiisa oo ku biiray Jubbaland iyo DF oo loogu adkaaday Gobolka Gedo

Taliyihii Nabad sugida ee Gobolka Gedo ugu magacownaa DF...

Uganda oo Ciidamada Afrika isugu Keentay Kampala, Soomaaliya iyo AUSSOM oo laga arrinsanayo

Dowladda Uganda ayaa magaalada Kampala ka furtay shir muhiim...

Puntland oo sheegtay in la soo afjaray wejigii koowaad howlgalkii ka socday Mudug

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo...

Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman

Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu...

Wasiir Fiqi oo Isbitaalka Madiina ku Booqday Askarta CXDS ee ku Dhaawacmay Weerarkii Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles