Monday, August 3, 2026

Wasiirka Difaaca oo digniin u diray shacabka ku nool goobaha ay joogaan Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse wali meelaha qaar laga arkayo in taasi ka jirto, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan Khawaarijta, isagoo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas halista ku ah naftooda.

Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa ineysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Horey  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan meelaha ay maamusho Al-Shabaab, si aysan dhibaato uga soo gaarin howlgallo qorsheysan oo lagu qaadayo saldhigyada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Warka Wasiirka ayaa imaanaya xili guiluf dagaal o oculus ay ka socdaan deegaano ka tirsan Gobolka shabeelada Dhexe iyo duqeymo lala beegsanayo meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab, maalin ka hora yay aheyd markii duqeyn ka dhacday deegaanka Ceelbacaad lagu khaarijiyay saraakiil  iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeyay dilka sarkaal lagu magacaabi jiray  Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo la socday.

Todobaadyadii ugu dambeeyay duqeymo culus ayaa lala beegsanayay xubnaha Al-shabaab ee ku sugan deegaanada Hirshabelle, oo maalmihii ugu dambeeyay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona dowladda Soomaaliya ay qaadayso talaabooyinka culus oo loogu hortagayo kooxdaasi.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la'yahay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Taliyaha TURKSOM iyo saraakiil ciidan oo tagay Baydhabo

Hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddiga doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Puntland iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo saldhiggeeda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Bosaaso shir...

Askar ka tirsan Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles