Khilaafka Itoobiya iyo Eritriya oo cirka isku shareeray iyo labada dal oo safaaradaha kala qaatay

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso safaaraddeeda ku taalla caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo sidoo kale amar ku siisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib waxa ay ku tilmaantay falal “gardarro iyo dhibaateyn” ah oo Eritrea ay si toos ah iyo si dadban ugu kacday.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in toban diblomaasi lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay dib u soo cusboonaadeen dagaallo iyo xiisado ka jira waqooyiga Itoobiya, iyadoo mas’uuliyiinta Itoobiya ay Eritrea ku eedeeyeen in ay taageerto kooxo hubaysan oo dagaal kula jira dawladda federaalka.

Dhanka kale, dawladda Eritrea ayaa iyaduna ku dhawaaqday in ay jartay dhammaan xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.

Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in Asmara ay muddo dulqaad iyo is-xakamayn muujisay si looga fogaado dagaal halis ah, balse waxa ay hadda sheegtay in aanay haysan waddo kale oo aan ahayn inay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jarto Itoobiya.

Eritrea waxay Itoobiya ku eedeysay in ay muddo saddex sano ah wadday siyaasad ay ku tilmaantay nacayb iyo cadaawad, iyadoo sidoo kale sheegtay in Addis Ababa ay doonayso in ay hesho marin badeed.

Eritrea ayaa marar badan lagu eedeeyay inay ku lug leedahay colaadaha sokeeye ee Itoobiya.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa Eritrea, Suudaan iyo Masar ku eedeeyay in ay taageeraan kooxaha hubeysan. Hase yeeshee, Yemane Gebremeskel ayaa eedeymahaas diiday, isaga oo sheegay in xasillooni-darrada Itoobiya ay salka ku hayso dhibaatooyin siyaasadeed iyo amni oo gudaha dalka ah.

Dagaallo ayaa toddobaadkii hore ka qarxay waqooyiga Itoobiya, taasoo dhalisay walaac laga qabo in xaalad bani’aadannimo oo hor leh ay ka dhalato dalka iyo in xasilloonida gobolku ay sii xumaato.

Dawladda Itoobiya ayaa hadda wajahaysa dagaallo ka socda Tigray, Amhara iyo deegaanno kale, taasoo ciidammadeeda ku qasabtay in ay la tacaalaan dhowr jiho oo colaadeed.

Eritrea waxay xulafo muhiim ah la ahayd dawladda federaalka Itoobiya intii uu socday dagaalkii Tigray ee labada sano qaatay, kaas oo ku dhammaaday heshiiskii nabadda ee Pretoria bishii November 2022-kii.

Hase yeeshee, tan iyo markii dagaalkaasi dhammaaday, xidhiidhka u dhexeeya Asmara iyo Addis Ababa ayaa si weyn u xumaaday.

Tan iyo dabayaaqadii 2023, Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa si xooggan u raadineysay in ay hesho marin ay ku gaadho Badda Cas, iyada oo ku doodaysa in la’aanta marin badeed toos ah ay mustaqbalka caqabad ku noqon karto dhaqaalaha iyo danaha istiraatiijiga ah ee dalka.

Eritrea ayaa si adag uga soo horjeesatay fikrad kasta oo Itoobiya ku raadinayso marin badeed ama deked ay u yeelato xuquuq madax-bannaani ah.

Itoobiya iyo Eritrea waxay hore u soo mareen dagaal culus, kaas oo socday dabayaaqadii sagaashamaadkii iyo horraantii 2000-meeyadii.

Xiriirka labada dal ayaa dib loo hagaajiyay kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xukunka qabtay. Labada dawladood ayaa markaas dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed, safaaradihii labada dalna dib ayaa loo furay.

Xiisadda ayaa sii korodhay kaddib markii Itoobiya si cad u muujisay doonisteeda ah inay hesho marin badeed, arrintaas oo Eritrea ka dhalisay walaac iyo caro.

WARARKII KALE

Dowladda Faransiiska oo isku dayaysa in ay soo afjarto dibadbaxyada

Wasiirka Tacliinta Sare ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in...

Xasan Sheekh oo Masar kaga qeyb galaya shir heer sare ah oo Afrika looga hadlayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya...

Ilhaan Cumar oo ka hadashay dagaalka Itoobiya ee sii xogeysaneysa

Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay rabshadaha sii xoogeysanayay...

Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay in ay weerareen xarun qaybisa korontada oo Madiina ku taalla

Isbahaysiga Milatari ee uu Sacuudigu Hoggaamiyo oo Xuutiyiinta ku...

Putin oo muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz dib loo furo

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay rajada ah in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles