Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu khaarijiyay Shabeelada Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.

Sarkaalka howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasi oo maleeshiyaadka u qaabilsana waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Baladul amiin ee degmada Afgooye.

Maleele ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin si weyn u dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada kala Sabiid iyo Baledul amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjooge Maleele ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Dilka horjoogahan ayaa imaanaya xili Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel bacad ay ku dileen horjoogahii labaad ee kooxda Al-shabaab Yuusuf Dhagnaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo beeniyay inuu Soomaaliya u soo dirayo kumanaan Askari oo ka tirsan ciidankooda

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda...

MW Xasan Sheekh iyo Erdoğan oo ka wada hadlay amniga iyo iskaashiga labada dal

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la...

Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, kulankoodii Khamiislaha...

DF oo cambaaraysay weerarkii lagu dilay siddeed muwaadin oo Kenyan ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii...

Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jawaab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles