Thursday, June 11, 2026

Wasiirka Difaaca oo ku baaqay in la garab istaago ciidamada Xoogga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee  Federaalka Soomaaliya  Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah”.

Wasiirka Gaashaandhigga XFD ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka iyo dalka.

“Waa waajib qaran in la garab istaago geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo maanta naf-hurnimo ugu jira hawlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid.

 

WARARKII KALE

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo rasmi ah xarigga uga jaray Aqalka Madaxtooyada Villa Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo rasmi ah xarigga uga jaray seddex waddo ee laga dhisay jowhar

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu...

Kheyre oo Dowladda ku eedeeyay “Dhulboob iyo Weerar lagu qaaday Shacab”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Ololaha Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay

Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Jubbaland oo DF ku eedeysay leexsashada qalab kalluumeysi oo loogu talagalay dowlad-goboleedyada

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay...

Puntland oo digniin culus kasoo saartay amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles