Wasiirka Difaaca oo ku baaqay in la garab istaago ciidamada Xoogga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee  Federaalka Soomaaliya  Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah”.

Wasiirka Gaashaandhigga XFD ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka iyo dalka.

“Waa waajib qaran in la garab istaago geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo maanta naf-hurnimo ugu jira hawlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles