Wednesday, April 1, 2026

Wasiirka Difaaca oo xaqiijiyay in diyaaradaha Itoobiya ay duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in diyaaradaha Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas, isagoo sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wadashaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Waa markii ugu horeysay ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo & wafdi uu hagaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha...

RW Xamsa oo sheegay in DFS ay la wareegtay amniga Baydhabo

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka...

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid...

Ciidamo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles