Friday, March 21, 2025

Soomaaliya oo dhex dhexaadinaysa dhinacyada isku hayo Suudaan

Wasiiru- dowladaha wasaarada arrimaha dibeda Dowladda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sku dayayso inay gogol nabadeed u fidiso dhinacyada isku haya Suudaan, si loo soo afjaro colaadda ka aloosan dalkaas, sidaasina waxaa uu ka sheegay hadal uu ka jeediyay mar uu ka hadlayay dagaallada ka socda Suudaan.

Wuxuu tilmaamay in Suudaaniyiintu ay kalsooni ku qabto doorka Soomaaliya ee dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya dalkooda, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu raadinayo xal waara.

Waxaan rajaynaynaa inaan dhawaan magacowno ergay gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya. Dalal waaweyn ayaa nala soo xiriiray, naguna dhiirrigeliyay inaan door ka qaadanno xal u helista colaadda Suudaan,” ayuu yiri Cali Balcad.

Sidoo kale, wasiiru-dowlaha ayaa tilmaamay in xaaladda Suudaan ay hortaallo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay dareemayso masuuliyad gaar ah maaddaama labada dal ay wadaagaan xiriir qotodheer oo dhanka diinta, Afrikaannimada iyo Carabtinimada ah.

Balcad wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay awood u leedahay inay la fariisato dhinacyada isku haya Suudaan si loo abuuro jawi nabadeed, isaga oo xusay in Soomaaliya ay leedahay khibrad la xiriirta burburka iyo dagaallada, taasoo gacan ka geysan karta dadaallada lagu dhisayo nabadda Suudaan

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles