Saturday, March 22, 2025

Wasiirka Difaaca oo xaqiijiyay in diyaaradaha Itoobiya ay duqeyn ka fuliyeen Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in diyaaradaha Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas, isagoo sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wadashaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Waa markii ugu horeysay ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles