Tuesday, March 3, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay taliyaha ciidanka Talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, kor u qaadidda tayada iyo tababarada. Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), iyo adkeynta doorka taageerada joogtada ah ee Dowladda Talyaanigu ay ka qaadato dagaalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaana uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidanka xoogga Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca tababarada iyo qalabeynta, waxa uuna ka codsaday in Talyaaniga halkooda kasii wadaan taageerada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga, ayaa kmaid ah dowladaha taageerada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana Talyaaniga magaalada Muqdisho ka jooga saraakiil iyo ciidamo taageero siiya ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan dhinaca tababarka iyo horumarinta ayey ciidanka ka caawiyaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles