Kuraas ka banaan Golaha shacabka BFS oo la buuxinayo

Maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2025 waxaa la go’aamiyay in dib loo doorto kuraasta kala ah HOP097 iyo HOP098 oo ay horey ugu fadhiyeen Allaha u Naxariistee Xildhibaan Khadija Maxamed Diriye iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Jimcale (Sey Sey).

Suldaanka guud ee beesha Yaxar, Suldaan Axmed Maxamud Cosoble ayaa Guddiga doorashooyinka Qaran u soo gudbiyay liiska ergada dooranaysa labadan kursi.

Kadib waxaa la diiwaanveliyey Afar (4) musharrax oo soo buuxiyey shuruudaha musharraxnimada kuraasta bannaan, kuwaas oo kala ah:

1-​Cabdikarim Maxamed Diriye #HOP097

2-​Abdulqadir Maxamud Maxamed #HOP098

3-​Maxamed Maxamud Geeddi #HOP097

4-​Axmed Adan Muxyadiin #HOP098

Musharrixiintan soo buuxisay shuruudaha ayaa maanta magaalada Jowhar lagu gudoonsiiyay shahaadada musharraxnimo ee buuxinta kuraasta bannaan, yadoo Guddiga Doorashadiuu dib ka soo sheegi doono xiliga ay dhaceyso doorashada labada kursi

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles