Monday, June 22, 2026

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee shirweynaha Bangiga Dunida ee matalaada kooxda 1-aad ee Afrika .

Kulankaan oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga, waxa uu ka mid yahay labada shir ee ugu muhiim san shirarka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka,iyadoo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay Bangiga Dunida ee matalaada kooxda 1-aad ee Afrika.

Wasiirka ayaa si gaar ah diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maamulka maaliyadda iyo hagaajinta hannanka maalgashiga dalka, xilli ay jiraan duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo caqabado ku gadaaman Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo saameeyay ilaha dhaqaalaha.

Fadhiga Bangiga Adduunka ee Matalaada kooxda 1-aad ee Afrika waxaa inta badan lagu falanqeeyaa hannaanka maalgalin ee uu Bangigu siiyo qaaradda, iyada oo Dowladda Soomaaliya na ay ka mid tahay dalalka sida gaarka ah uga faa’idaysta fursadaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed oo qaarkood hada ay si habsami leh uga soconayaan gudaha Dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Roobka Muqdisho oo Hakad geliyay Ganacsiga iyo Gaadiidka

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad...

Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada...

 Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo...

Sacdiyo Bajaaj Oo Hortageysa Maxkamad, Maxaa Cusub

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles