Wednesday, July 2, 2025

Xamaas oo falka Isra’iil ku qabsatay doonta Madleen ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah xeerka caalamiga ah

Ururka Xamaas ayaa cambaareyn dusha uga tuuray falkii Israa’iil ku qoorateysatay doon ay saarnaayeen koox miigganeyaal caalami ah oo doonayey in ay gargaar bini’aadamnimo gaarsiiyaan dadka ku tabaaleysan marinka Qasa.

Kooxda hubeysan ee Xamaas ayaa war ay soo saartay ku dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo 12 qof oo isugu jira samefaleyaal, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad caan ah oo u ololeeya xaquuqda dadka reer Falastiin.

Warka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay mas’uuliyad buuxda ka saaran tahay ammanka iyo bedqabka dadkaas, islamarkaana lagula xisaabtami doono wixii soo gaara.

Xamaas waxay dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobey iyo ururrada kale ee caalamiga ah in ay cambaareeyaan “dambigan”, islamarkaana ay jabiyaan go’doominta lagu hayo dadka reer Falastiin ee Qasa ku caddiban..

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles