Xamaas oo shuruud ku xirtay inay hubka dhigto

Xamaas waxay mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa’iil ku xirtay wadaxaajoodka xabb-joojinta ee Qasa.

Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ayaa sheegtay inay ka jawaabayso hadallo ay ku sheegtay inuu yiri wakiilka Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, kaasoo sheegay in Xamas ay “muujisay diyaar garowgeeda” inay hubka dhigto.

Isras’iil l waxay u aragtaa in hub ka dhigista Xamas ay tahay mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee heshiis kasta oo lagu soo afjaro colaadda.

Wadaxaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ayaa hakaday toddobaadkii hore.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dowladaha Carabta ayaa ku boorriyay Xamaas inay hubka ka dhigaan oo ay dhiibaan maamulka Gaza, ka dib markii dalal badan oo reer galbeed ah – oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Kanada – ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku aqoonsanayaan dowlad Falastiin. UK waxa ay sheegtay in aqoonsan doonto dowlad Falastiin ahhaddii Israa’iil ay buuxin weydo shuruudaha qaarkood marka la gaaro Sebtembar.

Xamaas oo ah koox ay argagixiso u aqoonsan yihiin Maraykanka, UK, iyo Midowga Yurub — waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay ka tanaasuli karin “xaquuqda iska-caabinta iyo hubkeeda” ilaa la aasaaso “dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si buuxda u leh karaamadeeda, oo ay caasimad u tahay Qudus.”

Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Israa’iil ee IDF, Jenaraal Eyal Zamir, ayaa Jimcihii ka digay inuusan joogsan doonin dagaalka Qasa hadii wadaxaajoodyada fashilmaan oo si deg deg ah loogu xaqjiiqin sii dayn lahaystayaasha ay Xamaas haysato.

 

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles