Monday, November 3, 2025

Xamaas oo wareejisay saddex naxash oo ay sheegeen inay meydad ku jiraan

Xamaas ayaa ku wareejisay saddex naxash oo ay sheegeen in ay ku jiraan meydadka la haystayaashii Qaza ee dhintay, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

Israa’iil ayaa naxashyada gudoontay, iyada oo la sii marinayo Laanqayrta Cas ee Marinka Gaza, meydadkaas ayaa la baari doonaa.

Haddii la xaqiijiyo inay yihiin la haystayaal dhintay, waxay ka dhigan tahay siddeed Israa’iil iyiin ah iyo qof ajaanib ah oo dhintay inay ku hareen Qaza.

Sida uu dhigayo wejigii koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee uu Maraykanku gar-wadeenka ka ahaa Israa’iil oo bilaabmay bishii hore, Xamaas waxa ay ogolaatay in ay dib u soo celiso 20 qof oo nool iyo 28 dhintay oo ay haysteen.

Israa’iil ayaa Xamaas ku eedaysay in ay aad uga gaabisay soo celinta la haystayaashii dhintay, halka Xamaas ay sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii ay u soo saari lahayd maydadka ku hoos jira burburka dhulkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheikh oo gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Booliska Galmudug oo xaqiijiyay in dad loo soo qabtay dilkii loo geystay Hooyo iyo Caruurteeda

Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin,...

RW Xamsa oo ka Jawaabay Cabashada Shacabka ee qaadashada Kaarka NIRA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo...

NISA oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles