Dad ku sumoobay raashiin ay cuneen dowlad deegaanka Soomaalida

Dad ka badan 20 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay cuneen cunto sumeysan.

Dadkaa ayaa oo ka shaqeynayey Berkad halkaas ku taal oo ay raggu qodayeen halka duamrkuna ay raashin u karinayeen kuwaas oo ku sumoobay raashin ay karsadeen sida lagasoo xigtay xafiiska caafimaadka ee degmda Xarshin ee gobolka Faafan.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Bariis ay karsadeen oo caano lagu daray laakin waxa uu sheegay in waxa saxda ah ee ay ku sumoobeen aan la garaneynin in yihiin bariiksa ama caanaha .

Cabdiraxmaan Jamaal ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dadku ay cuntadaas ku sumoobeen iyo in ay wax kale ku sumoobeen, waxa uu sheegay, in wixii ugu danbeeyay ee ay cunaan ay ahayd bariisksaasi caanaha lagu daray.

Dadkaasi oo ka koobnaa 20 rag ah iyo afar dumara,waxay ahaayeen shaqaalle ka shaqeynayey berkad halkaasi laga dhisayey.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sintaasi ku daray in bariisku uu ahaa mid ay maalin walba karsanayeen taariikh ahaanna uusan ahayn mid dhacsan balse ay ka shakisanyihiin in canaaha ay ku darsadeen bariiska ay wax ka qaldanaayeen oo ay dadkaasi ku sumoobeen.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles