Dad ku sumoobay raashiin ay cuneen dowlad deegaanka Soomaalida

Dad ka badan 20 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay cuneen cunto sumeysan.

Dadkaa ayaa oo ka shaqeynayey Berkad halkaas ku taal oo ay raggu qodayeen halka duamrkuna ay raashin u karinayeen kuwaas oo ku sumoobay raashin ay karsadeen sida lagasoo xigtay xafiiska caafimaadka ee degmda Xarshin ee gobolka Faafan.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Bariis ay karsadeen oo caano lagu daray laakin waxa uu sheegay in waxa saxda ah ee ay ku sumoobeen aan la garaneynin in yihiin bariiksa ama caanaha .

Cabdiraxmaan Jamaal ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dadku ay cuntadaas ku sumoobeen iyo in ay wax kale ku sumoobeen, waxa uu sheegay, in wixii ugu danbeeyay ee ay cunaan ay ahayd bariisksaasi caanaha lagu daray.

Dadkaasi oo ka koobnaa 20 rag ah iyo afar dumara,waxay ahaayeen shaqaalle ka shaqeynayey berkad halkaasi laga dhisayey.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sintaasi ku daray in bariisku uu ahaa mid ay maalin walba karsanayeen taariikh ahaanna uusan ahayn mid dhacsan balse ay ka shakisanyihiin in canaaha ay ku darsadeen bariiska ay wax ka qaldanaayeen oo ay dadkaasi ku sumoobeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles