Friday, November 14, 2025

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii u dambeeyay ay dagaalo ak socdeen. Kooxda ayaa hadda bilaabay, in qaadaan canshuuraha laga soo bilaabo qiimaha digaaga oo ay ku soo rogeen canshuuraha sigaarka iyo shidaalka, iyadoo qorshaha Mareykanka ee mustaqbalka gobolka si tartiib tartiib ah loo hirgalinayo.

Kadib markii xabad joojintu bilaabatay, Xamaas waxay si degdeg ah u xoojisay gacan ku haynta goobihii ay banayeen Israa’iil, iyagoo ku andacoonaya inay laayaan Falastiiniyiinta la shaqeeya cadawga, iyo kuwii ku kacay xatooyada ama dambiyo kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sidoo kale ay dareemayaan gacanta ku haynta Xamas ee Qaza iyaga oo xakameynaya badeecadaha la soo dejiyo iyo la socodka qiimaha.

Kooxda Xamaas ayaa beenisay in ay soo rogtay canshuuro cusub, iyada oo sheegtay in ay uga golleedahay in ay xakamayso qiimaha iyo in ay hubiso in si habsami leh loola wareego nidaamka cusub.

Ismaaciil Al-Thawabta oo ah madaxa xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Xamaas ayaa sheegay in aysan sax ahayn wararka sheegaya in canshuuraha laga qaado sigaarka iyo shidaalka, isagoo beeniyay in dowladdu ay kordhisay canshuuraha.

Maamulku waxa ay wadeen kaliya hawlo bini’aadantinimo iyo iyagoo samaynaya “isku dayo halis ah” oo lagu xakameynayo qiimaha, Thawabta ayaa sidaasi yiri mar uu la hadlayay Reuters.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Xamaas ay diyaar u tahay in ay xukunka ku wareejiso maamul cusub oo xirfad leh, isaga oo sheegay in hadafku yahay in laga fogaado fowdo ka dhacda Gaza. Qiimaha badeecadaha ayaa weli ah mid sarreeya sababtoo ah waxaa aad u yar badeecooyiinka soo galaya Gaza, xaalad nolosha ka dhigaysa mid adag.

WARARKII KALE

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Dowlada Shiinaha oo u hanjabay Japan

Shiinaha ayaa uga digay Japan in ay la kulmi...

Booliska Puntland oo sheegay in haweenay loo qabtay dil ka dhacay Gaalkacyo

Booliska Puntland, gaar ahaan taliska qaybta gobolka Mudug ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles