Thursday, September 18, 2025

“Xasan Sheekh wuxuu xilka ka degayaa isagoo ka mid noqday Maalqabeenada ugu hantida badan Soomaaliya”CCW

Xildhibaan Abdirahman Cabdishakur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu maanta daabacay ku sheegay in hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhisan tahay dan shakhsi iyo iibinta hantida Qaranka, isla markaana uu ka xooleystay hantida dadweynaha, isagoo ka mid noqday maalqabeenada ugu waaweyn Soomaaliya.

Xildhibaan Warsame wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku mashquulay dano shakhsi, taasoo ka fogayd ujeedadii loo doortay iyo ballanqaadyadiisii.

“Sanadkii ugu horeeyay xilkiisa labaad, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan qaaday in la dagaalami doono Al-Shabaab, musuqmaasuqa laga ciribtiri doono, iyo in awoodda dowladda la xoojin doono.

Laakiin ballanqaadyadan lama fulin, waxaana muuqday in maamulka uu ku mashquulay dano shakhsi, iibinta hantida Qaranka iyo ku takrifalka awoodda”, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

“Waa wax lala yaabo in Hogaamiyihii ballanqaaday inuu la dagaalami doono Musuqmaasuqa uu hadda u xilka ka tegayo isagoo ka mida Maalqabeenada ugu hantida badan Soomaaliya” ayuu ku dooday Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilalka ku bixiyo eex, qabiil, inay isaga daacad loo noqdo, isla markaana soo xusodadka ugu aqoonta iyo kartida liita.

“Masuuliyiinta aan kartida lahayn ayaa la magacaabaa si ay go’aan kasta ugu soo laabtaan Madaxweynaha, taasoo keentay in dhammaan awoodda dowladda ay ku ururto hal xafiis, halka shaqooyinka muhiimka ah ay noqdeen kuwo ku tiirsan rabitaanka shakhsi” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xildhibaan CC Warsame ayaa fashilka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ku soo koobay:
Balanqaadyadii fashilmay ee Madaxwene Xasan Sheekh sida Dagaalka Al-Shabaab ee istaagay, musuq-maasuqa oo kasii daray; fulin la’aanta shaqo abuurka iyo kalsoonidii oo burburtay.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed mudan yihiin dowlad karti leh, islamarkaana ku dhisan mas’uuliyiin khibrad xirfad leh oo shaqadooda ka adag, una shaqeeya muwaadiniinta.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles