Tuesday, March 3, 2026

Xiisada u dhexeysa DFS iyo Jubbaland oo sameysay Kenya

Xiisad xooggan ayaa ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, kadib dagaal culus oo shalay dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland, kaas oo ka dhacay tuulada Amiin ee duleedka magaalada Beledxaawo.

Wararka laga helayo xuduudda ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Mandheere ee dalka Kenya, halka ciidamada DFS ay adkeeyeen amniga xadka, isla markaana ay xireen goobaha muhiimka ah, iyagoo fulinaya dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgal culus.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay in ciidamada DFS, oo loo dhaariyay difaaca dalka iyo ka hortagga cadawga, loo adeegsado dano gaar ah oo uu sheegay inay wiiqayaan nidaamka iyo hay’adaha Jubbaland. Wuxuu ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh falalkan ay wajihi doonto xisaabtan buuxa.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa iyadoo labada dhinac ay horey ugu dagaallameen xadka Beledxaawo, taas oo marar badan khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba sababtay.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles