Monday, June 8, 2026

Jubbaland oo DFS ku eedeysay in ciidanka Qaranka ay adeegsanayso dano Shaqsi ah

Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada, Qaraabada, Saaxiibada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubaland, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Gaashaanle Sare Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) iyo Taliye Farxaan Odowaa, kuwaas oo ku geeriyooday dagaalkii lagu soo qaaday Ciidanka Jubaland ee kusgnaa degmada Beledxaawo.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tacsi u diray dhammaan ciidamadii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalkaas, isagoo dhaawacyadana Alle uga baryay bogsasho degdeg ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid murugo iyo niyad-jab weyn u horseeday shacabka, isagoo si adag u cambaareeyay in ciidamo Soomaaliyeed oo loo dhaariyay difaaca dalka iyo ka hortagga cadawga loo adeegsado dano gaar ah oo wiiqaya nidaamka iyo hay’adaha Jubaland. Wuxuu carabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh falalkan ay wajihi doonto xisaabtan buuxa.

Ugu dambeyn, wuxuu Alle SWT uga baryay inuu Jannada Firdowsa ka waraabiyo dhammaan marxuumiinta, ehelkoodii iyo qaraabadoodiina uu siiyo samir iyo iimaan.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles