Monday, September 1, 2025

Xildhibaan CCW oo ka hadlay Gulufka dagaal ee ka socda Hirshabelle

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda dagaal ee ka taagan deegaannada Hirshabelle, isagoo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed si dhow indhaha ugu hayaan sida ay madaxda dowladda federaalku masuuliyad uga muujiyaan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in dagaalkani uu yahay dagaal jiritaan, islamarkaana kooxda argagixisada ay doonayaan inay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, taas oo ay uga aar-gudanayaan guulihii horey loogu gaarey dagaalladii lagula galay.

โ€œDowladdu waa in ay si degdeg ah ugu gurmataa shacabka dagaalka ku jira โ€” ciidamo, saanad, iyo taageero walba oo suuragal ah,โ€ ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay isku tashiga iyo abaabulka deegaanka, isaga oo ku dhiirrigeliyay in la laban-laabo dadaalka iyo in la furo akoonno taakulo ah, si shacabka Soomaaliyeed ay gacan uga geystaan difaaca dalka iyo dadkooda.

Xildhibaanku wuxuu baaq u diray deegaannada iyo beelaha dariska la ah Beelaha ka soo jeeda Hiiraan, isagoo ugu yeeray inay u gurmadaan walaalahooda: โ€œDifaaca dalka iyo deegaanka waa waajib, hana sugin inta cadowgu kuu imaanayo gurigaaga.โ€

Ugu dambeyn, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto shuhadadii ku dhimatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Mubaax iyo nawaaxigeeda, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawacyadii ka dhashay weeraradaasi.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles