Monday, February 16, 2026

Xildhibaanada golaha shacabka ee BF oo ka dooday sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS  Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyada kala ah sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta argagixisada iyo hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, waxaana xildhibaanadda Golaha ay aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci ee ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo hadii ay jiraan qodobo khilaaf keeni kara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga...

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar,...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo weli ka socda dalka Itoobiya

Midowga Afrika oo xaruntiisa ku taalla magaalada Addis Ababa...

Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles