Saturday, January 24, 2026

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo ansixiyay labo hindise sharciyeed oo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 31-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 144-Xildhibaan, waxa ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ugu horreyn akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka macdanta Golaha la wadaagay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ah xoghayaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 141-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’ada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, sedax Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh iyo maamulada taageersan oo soo saarah war xasaasi ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka...

Fiqi oo shaaciyay waqti ay Imaaraadka joojiyeen Lacagtii ay siin jireen ciidanka DF

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa...

Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka oo shuruud ku xiray ka qeyb galka shirka ay ku baaqday DF

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin maamullada...

Cali Balcad “Isbahaysi Sacuudi iyo Masar waa lama huraan xilligan”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar,...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ruushka ayaa mar kale qaaday weerar culus oo ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles