Friday, March 13, 2026

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka ayaa waxa uu ku furmay 145-Xildhibaan waxaana ugu horreyn Xildhibaanada ay akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo hore u soo maray akhrimaha koowaad iyo labaad.

Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, waxaana xildhibaanada ay ka doodeen qodobada hindise sharciyeedkan iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dibna uu Golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles