Saturday, January 17, 2026

Xildhibaanada oo maanta dood ka yeeshay mooshin ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ah kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Guddiga Cadaaladda, Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka uu xildhibaanada ka codsaday in dib loogu dhigo akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedkan si ay usoo dhameystiraan arrimo farsamo oo hindise sharciyeedkan la xiriira.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa fadhiga ka sheegay in guddoonka uu soo gaaray mooshin ama soo jeedin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha kaasoo oo ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Xildhibaanada oo cod gacan taag ah ku ogolaaday in ajendaha la xiriirta mooshinkaas lagu daro ajendaha maanta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo xasaanada Xildhibaanada, safarada ay ku tagayaan deegaan doorashadooda iyo inaan lagu xadgudbin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana xildhibaanada haray ay aragtidooda dhiiban doonaan kulanka xiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Daawada, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ceymiska iyo Heshiisyada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu...

Bandow lagu soo rogay Laascaanood iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda...

Somaliland oo ka digtay in colaad hor leh laga abuuro deegaanadeeda

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si...

RW Xamsa iyo wafuud kale oo maanta tagaya Laascaanood

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Laascaanood, oo ah...

Shir looga hadlay sugida ammaanka oo xalay ka dhacay Laascaanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles